Device Financing

  1. Heshiiska
  • Heshiiskan wuxuu qeexayaa dhammaan Shuruudaha iyo Xaaladaha (hada ka dib lagu magacaabi doono "Shuruudahan iyo Xaaladahan") ee lagu dabaqi doono Adeegga Maalgelinta Qalabka.
  • Shuruudahan iyo xaaladahan, iyo sidoo kale wax kasta oo wax ka beddel ama cusbooneysiin ah oo la xiriira, waxay dhaqan geli doonaan marka macmiilku akhristo oo aqbalo (adigoo taabanaya doorashada “Aqbalaada”).

2.Qeexitaannada

Qoraalkan Shuruudaha iyo Xaaladaha, ereyada iyo weedhaha soo socda waxay yeelanayaan micnayaasha hoos ku qoran:

  • ""Ethio telecom" macnaheedu waa shirkad si sharci ah loo ruqsadeeyay oo bixisa adeegyo maalgelin qalab (Device Financing) ah, loona oggol yahay inay adeeggan siiso macaamiisheeda telebirr.
  • "telebirr" waa magaca ganacsi ee adeegga lacagta mobilka ee Ethio telecom, kaas oo u sahlaya macaamiisha inay helaan adeegyo maaliyadeed sida kaydinta, dirista, iyo helista lacag, caymis yar (micro-insurance), caymis hawlgab (pension), iyo adeegyo kaydinta lacago yar yar (micro-saving) iyagoo adeegsanaya taleefannadooda gacanta.
  • "telebirr Account" macnaheedu waa akoontigaaga lacagta mobilka ee kaydiya qiimahaaga elektaroonigga (E-Money), kaas oo Ethio telecom diiwaangeliso si ay u muujiso inta lacag ee aad ku leedahay nidaamka telebirr wakhti kasta.
  • Maalgelinta Qalabka"Device Financing" macnaheedu waa adeeg maaliyadeed oo ay bixiso Ethio telecom kaas oo u suurtogeliya macaamiisha telebirr inay helaan qalabyo kala duwan (sida telefoonnada, tablets, iwm.) iyagoo adeegsanaya qaab amaah ah (credit modality) iyada oo loo marayo telebirr iyo kanaalada kale ee Ethio telecom, iyadoo lagu salaynayo shuruudaha iyo xaaladaha hoose ku cad.
  • "Customer"(Macamiil) macnaheedu waa qof kasta oo iska diiwaangeliyey ama iska qoray adeegga Device Financing.
  • "E-Money" macnaheedu waa qiimaha lacageed ee elektaroonigga ee lagu muujiyo akoontiga telebirr ee macmiilka, kaas oo u dhigma isla qadarka lacag caddaan ah.
  • “you” or “your” Adiga" ama "kaaga" macnaheedu waa macmiilka shaqsiga ah, waxaana ku jira wakiilladiisa shakhsiyeed ama cidda metelaysa.
  • "kharashka wax kala iibsiga " macnaheedu waa kharashaadka adeegga, oo ay ku jiraan kharashka fududeynta (Facilitation Fee), kharashka isticmaalka (Access fee), ganaaxa (Penalty Fee) iyo kharash kasta oo kale oo la bixinayo marka la adeeg sanayo adeegga Device Financing.
  • "kharashka fududaynta" macnaheedu waa lacagta khidmada ee uu bixiyo macamiilku si loogu farsameeyo ama loo maareeyo adeegga Device Financing, taas oo lagu ururiyo iyada oo loo marayo telebirr laguna bixiyo magaca Ethio telecom.
  • "Ganaaxa " macnaheedu waa khidmad ciqaabeed oo lagu dallaco macaamiisha haddii ay ku guuldareystaan inay bixiyaan lacagahooda ama ballanqaadkooda waqtigii loogu talagalay.
  • Melina u dambaysa ee lahacag bixinta “Due Date"wakhtiga kama dambaysta" macnaheedu waa waqtiga bixinta saxda ah (ama muddada amaahdu ay shaqeenayso).
  • Deyn xumo"Bad Debt" macnaheedu waa lacag amaah ah oo aan la soo celin sida ku cad jadwalka lacag celinta, isla markaana dib uga dhacday hal maalin ama in ka badan.
  • Ereyada tilmaamaya hal keliya (singular) marka macnaha uu oggol yahay, waxay sidoo kale ka dhigan yihiin jamac (plural), iyo lidkaasba.
  • Ereyga “individual” (shaqsi) wuxuu ka dhigan yahay lab iyo dhedig labadaba.
  • Haddii aadan ku raacsanayn shuruudahan iyo xaaladahan, fadlan taabo “Jooji (Cancel)” ee ku qoran menu-ga.
  • Waxaa loo tixgelin doonaa inaad akhriyay, fahantay, oo aqbashay shuruudahan iyo xaaladahan:
  • Marka aad hawulgaliso (activate) adeegga Device Financing adigoo adeegsanaya kanaalka USSD, ama
  • Marka aad taabato doorashada “waan Aqbalay (Agree)” ee ku weydiinaya inaad xaqiijiso inaad akhriday, fahantay, oo aqbashay inaad raacdo shuruudahan iyo xaaladahan; iyo/ama
  • Marka aad isticmaalayso ama sii wad-do isticmaalka adeegga Device Financing.
  • Waxaad aqbashay oo ogolaatay in adeegga Device Financing lagu fuliyo si elektaroonig ah oo keliya, isla markaana aad ogoshahay in ganacsigaaga la xidhiidha Ethio telecom iyo isticmaalka adeeggan lagu maamulo oo keliya iyada oo loo marayo nidaamka telebirr.
  • Ethio telecom waxay xaq u leedahay inay wax ka beddesho ama cusboonaysiiso shuruudahan iyo xaaladahan wakhti kasta, waxaana ay noqonayaan kuwo lagu dabaqayo macamilka laga bilaabo taariikhda lagu daabacay app-ka telebirr, websaytka, ama portal-ka.
  • Laga bilaabo marka aad si elektaroonig ah u aqbashid, shuruudahan iyo xaaladahan waxay noqonaysaa heshiis sharci ah oo waajib ah oo dhex mara adiga iyo annaga (Ethio telecom).
  • Ma awoodid inaad u wareejiso xuquuqdaada ama waajibaadkaaga heshiiskan qof kale.
  • Macamiilku wuxuu oggol yahay inuu adeegga Device Financing u isticmaalo ujeeddooyin sharci ah oo sax ah.
  1. Hawulgalinta Adeegga Maalgelinta Qalabka (Device Financing Service)

Si aad u hawulgaliso adeegga Device Financing ee Ethio telecom, waa inaad buuxisaa shuruudaha soo socda:

. Waa inaad awood u lahaanshaha akhriska, fahamka, iyo aqbalaadda shuruudahan iyo xaaladahan.

. Waa inay Da’doodu tahay 18 sano ama ka weyntahay.

. Inaad leedahay SIM kaar shaqeenaya oo Ethio telecom ah.

. Inaad tahay qof si joogto ah u isticmaala telebirr iyo alaabooyinka Ethio telecom sida Data/Voice/SMS.

. Inaad ku jirto shabakadda (network) muddo shan sano kadib marka aad is diiwaangeliso SIM kaarka, iyo lix bilood kadib marka aad isticmaasho adeegga telebirr.

  1. Shuruudaha U-qalmitaanka ee Adeegga Maalgelinta Qalabka
    • Awoodda amaahda macmiilka waxaa lagu go’aamiyaa iyadoo lagu saleynayo isticmaalka adeegga telebirr iyo adeegyada isgaarsiinta ee uu sameeyay lixda bilood ee ka horreysay taariikhda codsiga adeegga maalgelinta qalabka. wax Kala iibsiga(dhaqdhaqaajinta) telebirr ee hoos ku xusan ayaa loo adeegsadaa in lagu go’aamiyo kalsoonida amaahda macmiilka:
    • Iibsashada Kaarka
    • Iibsashada xirmooyinka
    • Iibsashada badeecooyin/adeegyo
    • Bixinta biilasha
    • Lacag bixinta tiro badan (bulk disbursement)
    • Helitaanka lacagaha dibada laga soo diro
    • Iibsashada tigidhada
    • Bixinta lacagaha tabarucaadka
    • Lacag dhigashada iyo la bixida
    • Lacag  dirista
    • Bixinta deyn
    • Kaydinta lacagta(saving)
    • Sidoo kale waxaa la tixgeliyaa isticmaalka adeegyada isgaarsiinta sida hadalka(Voice), xogta (Data), iyo farriimaha (SMS) iwm.
  1. Lacagta Amaahda iyo Kharashaadka
  • Waxaad iibsan kartaa qalab kasta oo ku jira inta u dhaxaysa qiimaha ugu yar iyo kan ugu badan ee la oggol yahay.
  • Waa inaad marka hore bixisaa amaahdii hore si aad u hesho amaah kale.
  • Waxaa lagaa filayaa inaad bixiso lacagta hormariska ah (down payment) marka aad codsanayso maalgelinta qalabka.
  • Waxaad amaahdaada ku bixin kartaa qayb ahaan ama si buuxda.
  • Ka dib marka waqtiga bixinta la gaaro, waxaa lagugu soo rogi doonaa ganaax maalinle ah oo dhan 0.11% ilaa aad ka bixiso.
  • Haddii aadan bixinin amaahda waqtigeeda, lacagta hadhay waxaa si toos ah looga jari doonaa akoonkaaga e-lacagta (e-money account) oo uu sameyn doono amaah-bixiyaha.
  • Waqtiga bixinta amaahda wuxuu noqon doonaa 6 bilood ama 12 bilood laga bilaabo maalinta aad amaahda qaadato, iyadoo ku xiran nooca amaahda.

5.1 Maalgelinta Qalabka ee lala yeesho Sinqee Bank

  • Haddii aad ku bixiso amaahda 6-bilood waqtigeeda, waxaa lagaa qaadi doonaa kharash fududeyn dhan oo 20% (taas oo u dhiganta 3.33% bishii). waxaad lacagta ku bixin doontaa bil kasta adigoo adeegsanaya telebirr.
  • Haddii aad ku bixiso amaahda 12-bilood waqtigeeda, waxaa lagaa qaadi doonaa kharash fududeyn dhan oo 25% (taas oo u dhiganta 2.08% bishii). waxaad sidoo kale lacagta ku bixin doontaa bil kasta adigoo adeegsanaya telebirr.

5.2 Maalgelinta Qalabka ee lala yeesho Awash Bank

  • Haddii aad ku bixiso amaahda 6-bilood waqtigeeda, waxaa lagaa qaadi doonaa kharash fududeyn dhan oo 25% (taas oo u dhiganta 3.33% bishii). waxaad lacagta ku bixin doontaa bil kasta adigoo adeegsanaya telebirr.
  • Haddii aad ku bixiso amaahda 12-bilood waqtigeeda, waxaa lagaa qaadi doonaa kharash fududeyn oo dhan 35% (taas oo u dhiganta 2.917% bishii). waxaad sidoo kale lacagta ku bixin doontaa bil kasta adigoo adeegsanaya telebirr.
  • Xisaabinta kharashka fududeynta (facilitation fee) waxay bilaabataa marka aad bixiso lacagta hormariska ah (down payment).
  • Kharashka fududeynta waxaa lagu xisaabiyaa lacagta hadhay, taas oo ah qiimaha guud laga jaray lacagta hormariska ah.
  • Barnaamijka qufulka qalabka ee horay loogu rakibay qalabka ayaa ku ogeysiinaya bixinta lacagaha soo socda si looga hortago in lacag la’aan lagu xiro qalabka.
  • Haddii aadan bixinin lacagta, qalabka ayaa la xidhi doonaa 5 maalmood gudaheed. Qalabka waa la furi doonaa marka aad bixiso lacagta oo aad ku xirto internetka.
  1. Maamulka Sharciga
  • Shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Dimuqraadiga Itoobiya , tilmaamaha Bangiga Dhexe ee Itoobiya, iyo habraacyada khuseeya ee Ethio Telecom ayaa maamuli doona Shuruudahan iyo Xaaladaha.
  1. Su’aalaha
  • Wixii su’aalo ah ee la xiriira adeegyada, habraacyada, ama shuruudaha iyo xaaladaha adeegga gaarka ah ee Maalgelinta Qalabka, waxaad la xiriiri kartaa Xarunta Macaamiisha ee Telebirr adigoo Wacaya 127.
  1. Joojinta Heshiiska
  • Waxaan xaq u yeelan doonaa in aan heshiiskan gabi ahaan ama qayb ahaan joojino ama hakino haddii aad ku xadgudubto, si khaldan u isticmaasho, ama khiyaano ka sameyso mid ka mid ah adeegyada kaydinta iyo amaahda yar-yar, iyadoo aan ogeysiin hore lagu siin. Joojinta heshiiskan gabi ahaan ama qayb ahaan ma saameyn doonto xuquuqda iyo waajibaadka hore u dhacay ee mid kasta oo ka mid ah labada dhinac.
  1. Cabashooyinka
  • Cabashooyinka waxaa lagu soo gudbin karaa shakhsi ahaan, qoraal ahaan, boostada, fax, email, ama telefoon. Ethio Telecom waxay qaadi doontaa dhammaan tallaabooyinka ay awooddo si ay u xalliso cabashadaada.Cabashooyinka waa in lagu soo gudbiyaa waqti macquul ah. Haddii aadan ku qanacsanayn jawaabta, waxaad arrinta u gudbin kartaa Bangiga Dhexe ee Itoobiya si idaba joog ah.
  1. Xallinta Khilaafaadka
  • Wixii khilaaf ah ee ka dhasha ama la xiriira Heshiiskan, oo aan lagu xallin sida ku xusan Qodobka 9aad ee kor ku xusan, waxaa loo gudbin doonaa Maxkamadda Federaalka ee Itoobiya ee leh awoodda sharciga ee kiiska
  1. Lien (Hanti lagu haysto Damaanad )
  • Waxaan yeelan doonaa damaanad guud oo ku saabsan dhammaan hantidaada/maalkaaga haddii aad nagu leedahay lacag kasta, oo ay ku jiraan laakiin aan ku xaddidnayn lacag caddaan ah, badeecooyin, dammaanado ama alaab qiimo leh oo loo dhigay kayd ammaan ah, jeegag la soo bandhigay, biilal, iyo hanti kasta oo guurto ama aan guurin.Haddii aad dayn nagu leedahay xaaladaha nagu siinaya xaq u yeelashada dib u dhigista, dhammaan hantida lagu haysto deymaha waxaa loo aqoonsanayaa in loo haysto badbaado deyntii.

12.Ka-jaridda deynta (Set-Off)

  • kadib marka laguu sheego, haddii aadan awoodin inaad bixiso qadarka amaahda ee aad ka heshay maalgelinta qalabka, bangigu wuxuu isku dari karaa ama ka goyn karaa qadarkaas wixii kale ee aad bangiga ku leedahay, sida lacag caddaan ah, alaabo, dammaanado, alaab qiimo leh, jeegag la soo gudbiyey, iwm, si loo daboolo deymahaaga.
  1. Afeef (Disclaimer)
  • PIN-ka Telebirr waa in si sir ah loo hayaa oo aan qof kale heli karin adiga mooyee.
  • Cawaaqibka ka dhalan kara furitaanka PIN-ka, isticmaalka aan oggolaanin ee akaawnka Telebirr, beddel la’aanta PIN-ka si joogto ah, ama isticmaalka taleefankaaga ama kaarka SIM-ka si aan sharci ahayn, ama soo sheegida khasaaraha ama xatooyada oo aan la samayn, waa mas’uuliyaddaada keliya.